Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Ciidamo katirsan Haramcad, oo ilaalo ka ah dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye ayaa qaraxa lala eegtay.

Warar Keydmedia Online
Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qarax miino oo Saakay ka dhacay degaanka Carbiska, ee duleedka magaaladda Muqdisho.

Inta la ogyahay saddex askari ayaa dhaawacyo kasoo gaarey, iyadoo wararku ay sheegayaan inay dhimasho jirto, balse aan tirada la shaacin.

Ciidanka la qarxiyay ayaa kamid ahaa kuwa ilaaliya Injineeradda iyo shaqaalaha Turkiga u dhashay, ee dhisaya wadadan oo 30-KM ah, taasoo ay maalgelisay dowladda Qatar.

Ma jirto cid sheegatay, balse falalka noocan ah waxaa looga bartay Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacidda.

Dhowr Qarax ayaa lala eegtay Injineeradda Turkiga, waxaana looga dilay ku dhawaad 10 qof tan iyo markii dhismaha billowday 2019.

Kooxda Al-Shabaab ayaa diidan in jidka laami la saaro, waxayna isku dayaysa inay joojiso mashruucan oo muhiim u ah isku socodka Muqdisho iyo gobolladda Koonfurta dalka, gaar ahaan Shabeellaha Hoose.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.