Qarax khasaarooyin geystay oo ka dhacay Muqdisho

Nawaaxiga Warshaddii hore ee Xeyle Bariise ayuu ka dhacay Qaraxa.

Warar Keydmedia Online
Qarax khasaarooyin geystay oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta ka dhacay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir qarax miino oo lala eegtay Ciidanka Taraafida ee ka shaqeeya hagista baabuurta wadooyinka Caasimadda.

Qaraxa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Warshadda Xeyle Bariise, waxaana lala eegtay gaari ay saarnaayeen askar katirsan Taraafikadda Soomaaliya. Inta la ogahay dawaralka Gaariga ayaa ku dhintay, 3 kalena way ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa, balse booliska waxay tuhmayaan Kooxda Al-Shabaab, oo falalka argagaxiso ka fulisa dalka iyadoo doonaysa inay xukunka ka tuurto dowladda Caalamka uu aqoonsan yahay ee fadhisa Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.