Qarax kusii jeeday Muqdisho oo la fashiliyay

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB G/le Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa sheegay in ay soo qabteen miinooyin badan iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waday.

Warar Keydmedia Online

Kumaandooska DANAB ayaa ku qabtey degaanka xeebta ku yaalla ee Gandershe gaari nooca SURF ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa, kaaso kusoo jeeday magaaladda Muqdisho, oo Axadii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar lagu qaaday Elite hotel.

Taliya Guutada 16-aad ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa xaqiijiyay qabashada gaariga iyo xubno Al-Shabaab katirsan oo watay, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay bambooyin iyo qoryaha fudud.

Gandershe oo dhacda wadada dhinaca xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr jeer ka dhacay weeraro kadib markii Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM Al-Shabaab ka saareen sanad kahor.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.