Qarax laga maqlay Muqdisho

Warar ayaa sheegaya inuu is-qarxiyay nin isku soo xiray walxo qarxa oo kamid ahaa askarta tababarka la siinayay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay Magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhacay xerada Tababarka Dhega-badan oo ku taalla degaanka Jazeera, iyadoo la sheegay inuu fuliyay nin kamid ah askarta tababarka ku jiray.

Lama oga illaa hadda khasaaraha, balse waxaan adinku soo gudbin doonaa wararkeena dambe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.