Qarax lagu weeraray Isbitaalka Xoogga dalka

Lama oga cida ka dambeysa, balse Al-Shabaab ayaa lagu fiiqay farta.

Warar Keydmedia Online
Qarax lagu weeraray Isbitaalka Xoogga dalka

MUQDISHO, Soomaaliya  - Qarax ayaa ka dhacay Saakay Isbitaalka Xoogga dalka, kaasoo ka dhashay khasaaro dhAwac illaa 10 gaaraya.

Sarkaal booliska katirsan ayaa KON u xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa bam gacmeed lagu tuurey gudaha Isbitaalka.

Lama oga cida ka dambeysa weerarka, balse waxaa loo maleynayaa Al-Shabaab oo falalkan ku caanbaxday.

Isbitaalka waxaa lagu daaweeyaa askarta dhaawacmay, waxaana uu ku yaalla meel aad loo ilaaliyo, jidka ka baxa Tarabuunka, ee aada Black Sea.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.