Qarax lala eegtay ciidanka dowladda

Waxaa qarax miino oo dhulka lagu aasay lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo khasaare kala duwan uu ka dhashay qaraxaasi.

Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay ciidanka dowladda

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida la xaqiijiyay qarax ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Daaru Salaam ee degmada Yaaqshiid, qaraxa ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. 4 Askari oo kamida kuwa Taraafikada ayaa ku dhaawacantay qaraxa. Waxaana gaariga qarxay oo ahaa gaari yar oo ay ciidamadu la socdeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna xireen goobta uu weerarku ka dhacay iyagoo halkaa ka billaabay baaritaanno,

Laamaha amniga dowladda Federaalka weli kama hadlin qaraxa iyo khasaaraha uu geystay ee ka dhacay wadada aada deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho, waxaana horey wadadaas uga dhacay qaraxyo badan kuwaasoo lala eegtay mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Benaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.