Qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho

Wali lama oga khasaaraha, waxaana la maqlayaa rasaas xoog leh oo goobta ka dhacaysa.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Jugta qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, waxyar kadib marki laga soo baxay Salaadii Maqribka.

Qaraxa ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, iyadoo goobjooge uu u sheegay KON inuu ka dhacay meel ku dhaw Xabsiga NISA ee Godka Jilicow, oo aad loo ilaaliyo.

Warar kale ayaa sheegay inuu ka dhacay nawaaxiga Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada. Dad kale ayaa sheegaya in nin isku qarxiyay Maqaayad ku dhaw daljirka Daahsoon.

Fahfaahin, kala soco bogga Keydmedia.net.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.