Qarax ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Wararka naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Bambaanooyin nuuca Gacanta laga tuuro ah lagu weeraray Maleeshiyo Beeleedka Raaskabooni.
Warar Keydmedia Online

Bambooyinkaan ayaa lagu tuuray Maleeshiyaadka Raaskambooni oo marayay Suuqa Kismaayo, waxaana inta la xaqiijiyey Bambaanooyinka ku dhinta 2 Askari, ayadoona ay dhaawacmeen 4 kale oo shacab uu ku jiro.

Dadka Magaalada Kismaayo ayaa keydmedia u sheegay in Bambaanooyinkaan lagu tuuray Ciidamadaan, xili ay Lacago sharcidaro ah ay ka qaatayeen Ganacsatada Magaalada Kismaayo.

Xaalada Magaalada ayaa hada aan daganeeyn, waxaana jirta Rasaas ay dhan walba u ridayaan Jamhada Raaskaboobi ee la weeraray.

Wixii kusoo kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.