Qarax ka dhacay Boosaaso

Boosaaso(keydmedia) Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in gabal dhicii galabata qarax miino lagula beegsaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari askar ka tirsan maamulka Faroole.
Warar Keydmedia Online

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 4 askari oo ka tirsan kuwa Faroole iyadoona ay ku dhaawacmeen tira intaas ka badan, waxaana gaariga qaraxa lagula beegsaday xaafada New Boosaaso.

Askarta qaraxa ku dhimatay ayaa waxaa ka mid ah sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen Xuseen Cali Dheere oo ka tirsanaa taliyayaasha ciidamada Faroole ee dhibaateeya shacabka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Waxaa laga dareemayaa gudaha magaalada Boosaaso iminka xaalad kacsanaan ah iyadoona la saadaalinayo in ciidamada Faroole ee qaraxa lala beesgaday ay ku dhaqaaqaan falal lagu bartilmaameedsanayo shacabka barakacay ee deegaankaasi ku sugan.

 Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.