Qarax lala eegtay Gaari rooti waday

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Waxaa saakay degmada waabari meel ku dhaw masaajidka Cali boolaay qarax miino lagula eegtay Gaari Rooti u waday ciidamada dowlaad ee ku sugan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Wararku waxa ay sheegayaan in Gaariga oo ahaa nooca Caasiga loo  yaqaan looga qaadi jiray subax walba rooti foorno ku taala degmada waabari lana geyn jiray madaxtooyada, waxaana qaraxa kadib rasaas ay fureen ciidanka dowlada ku dhaawacmay laba ruux oo rayid ah.

Marka laga soo bur bur gaaray gaariga dhibaato kale oo ciidamada dowlada gaartay lama soo warin,waxaana degmada qaraxa uu ka dhacay ay ka mid tahay degmooyinka tirada yar ee ay dowlada ka taliso.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.