Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Qaraxyadan ayaa la sheegay inay geysteen khasaaro kala duwan, inkastoo aan si rasmi ah wali loo ogeyn inta uu la egyahay.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Qarax oo culus ayaa Caawa fiidkii ka kala dhacay qeybo kamid ah magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Qaraxa 1aad ayaa laga soo wariyay dhanka Xaafadda Ceelqalow, ee degmada Wadajir, waxaana la ogeyn khasaaraha iyo nooca uu ahaa, balse jugta meelo fog aya alaga maqlay.

Qarax kala ayaa isna laga maqlay magaalaada isla Caawa fiidkii abaare 7:30 PM, kaasoo sida la sheegay ka dhacay meel ku dhaw xarunta maamulka degmada Xamar Jajab.

Waxay imaanayaan qaraxyada xili Al-Shabaab meelo badan laga saarey gobollada dhexe, oo Kooxda isku dayayso inay culeyso saarto Muqdisho, si ay dowladda ugu mashquuliso.

Fahfaahin, kala soco wararka dambe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.