Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Labada qarax ayaa ahaa kuwa lala eegtay Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya, waxayna geysteen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo miinooyin ahaa ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaacay ka dhacay magaaladda Muqdisho, oo Khamiistii lagu caleema-saarey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaraxyada ayaa ka kala dhacay degaanka Tareedisho iyo Kaamka Barakacayaasha Badbaado, waxayna gyesteen khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, sida goobjoogiyaal ay sheegeen.

Dhowr qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaraxa Badbaado, oo ah midka ugu khasaaraha badan, iyadoo aan jirin illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarada.

Waxaa naloo sheegay inuu qaraxa ka dhacay Maqaaxi lagu ay Askar ku cunaan Qaadka oo xerada dhexdeeda ku taalla, waxaana ku dhintay lix qof, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen," ayuu yiri qof goobjooge ah.

Qaraxa Tareedisho hal askari ayaa ku dhaawacmey, lama soo sheegin khasaaro dhimasho.

Labada qaraxyba Ciidan ayaa lagu weeraray, waxayna ahaayeen kuwa lagu beegay xili Caasimadda amnigeeda sii xumaanayo, oo Madaxweyne Xasan Villa Somalia yimid, kaasoo horyaallaan caqabado badan.

Muqdisho waxay martigelisay qaraxyadii ugu waaweynaa, oo uu ku jiro midkii Oct 14 ee ka dhacay Zoobe intii uu Farmaajo xukunka haystay, iyadoo Al-Shabaab ay dalka kusii xoogeysatay.

Xasan Sheekh ayaa balan-qaadey inuu amniga soo celinayo, kana adkaan doono Al-Shabaab. Lama oga inuu ka dhabeyn doono balan-qaadka uu kusoo galay doorashadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.