Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay Balcad

Labada qarax oo ahaa miino ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta maamulka degmada.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay Balcad

BALCAD, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro Sarkaal boolis ayaa ku dhintay labo qarax oo Maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta maamulka Degmada Balcad, oo qiyaastii 30-KM u jirta Muqdisho.

Lix qof oo kale, oo shacab iyo askar isagu jira ayaa ku dhaawacmey qaraxyadda, oo lagu eedeeyay inay ka dambeyso Kooxda Al-Shabaab oo mudooyinkii dambe xoojisay weerarada xili dalka uu ku jiro marxaladda kala-guurka.

Xaaladda Balcad ayaa kacsan, waxaana socda howlgallo ay Ciidamada dowladda sameynayaan si ay uga hortagaan weeraro kale oo ay fuliyaan xubno katirsan Al-Shabaab oo gudaha ku jira.

Maalintii shalay, 5 qof oo labo Turki ahaayeen ayaa ku geeriyoodey qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafoole iyo Xaawo Cabdi, kaasoo lala eegtay shaqaalaha dhisaya jidka Muqdisho iyo Afgooye.

Al-Shabaab ayaa diiradda saareysa qaraxyada oo ah waxa kaliya ay awoodda inay sameyso, islamarkaana kusii jiri karto kadib markii dagaalka dhulka looga adkaadey oo magaalooyin badan laga saarey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.