Qaraxyo laga cabsi qabo inay ka dhacaan Muqdisho 48 gudahooda

Fariinta ayaa lala wadaagey Shaqaalaha ajnabiga iyo kuwa Soomaalida ee fadhigoodu yahay xerada Xalane, oo ah Meesha ay degan yihiin Safaaradaha reer Galbeedka iyo ATMIS.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo laga cabsi qabo inay ka dhacaan Muqdisho 48 gudahooda

MUQDISHO, Soomaaliya - Digniin cusub oo kasoo baxday Sirdoonka ajnabiga ee ku sugan Xalane ayaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab qorsheynayso inay 48-da saac ee soo socota ay qaraxyo ka fuliso magaaladda Muqdisho, oo dhawaan ay ka dhaceen weeraro ug u dambeeyay midkii Villa Rays, ee ku dhaw Villa Somalia 27kii November 2022.

Meelaha laga digay waxaa mid ah wadada dheer ee kasoo billaabato KM4 illaa Isgoyska Banaadir, oo ah mid mashquul badan xili walba, taasoo 29-kii October ka dhacay labo qarax oo 120 ku dhimatay.

Asxaabta sharaf leh ee ku sugan magaalada Muqdisho 48-saac ee soo socota waa in aad feejignaan dheeri ah muujisaan sida in aad adeegsataan agagaarka waddada caanka ah ee KM4 iyo inta u dhaxeeyaa Isgooysyada Soobe ilaa Banaadir." ayaa lagu yiri Digniinta.
 

Waxay fariintan abuurtay dareen cabsi leh, iyadoo jidka KM4 illaa Banaadir lagu marayo si taxadir leh, iyadoo aan jirin talaabo ay Ciidanka qaadeen, oo lagu qaboojinayo quluubta shacabka Xamar.

Qaraxyadii ka dhacay magaaladda waxay reebeen dhaawacyo qalbi, iyo xauuso murugo xambaarsan, waxaana amniga Caasimadda noqday mid jilicsan, oo xili walba wax ka dhici karaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.