Qasaarihii ka dhashay duqeyn shalay leesku weydaarsaday Muqdisho oo sii kordhaya

Muqdisho (Keydmedia) - Shalay gelinkii danbe ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay duqeymo aad u xoog badan oo ay isweydaarsadeen kooxda Shabaab iyo ciidamda Afrikaanka ah ee kaabaya dowlada waxaana ka dhashay qasaare nafeed oo aad u badan.
Warar Keydmedia Online

Duqeyntii shalay ayaa waxa ay bilaabatay ka dib markii kooxda Shabaab ay qeybo badan oo kamid ah degmada Wardhiigleey ay ku asqeeyeen hoobiyaal ay labar tilmaameedsanayeen Madaxtooyada  kuwaas oo dad badan wax ku noqdeen

Madaafiicdaasi ayaa waxa ay sababaeen in ciidamada AMISOM iyana ay duqeeyaan suuqa Bakaaraha halkaasi oo qasaaraha nafeed ee ugu xoogga badan uu kadhashay.

Saraakiisha goobaha caafimaadka ayaa waxa ay xaqiijiyeen in 47 ruux oo ah dad qaba dhaawacya kala duwan waxna ku noqday duqeymihii xooganaa ee shalay lageeyay Cusbitaalada iyada oo dadka dhintay lagu sheegay 28 ruux oo 20 kamdi ah ay ku dhinteen madaafiic ku dhacday suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeyba Cabdalla Shideeye.

Duqeymaha ay muqdisho isku dhaafsadaan Kooxda Shabaab iyo AMISOM o labaduba aan Soomaalida u heyn wax dan ah ayaa waxa ay dhibatada ugu badan gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee labaatankii sano ee lasoo dhafay aan arag nabad lagu naaloodo.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.