Qatar iyo Imaaraadka oo ku hardamaya hanashada Rooble

Dowladdaha imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa xilligan ku jira loolan ku aaddan sidii ay saaxiib rasmi ah ula noqon lahaayeen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo iminka ka masuul ah arrimaha doorashadda iyo amniga dalka.

Warar Keydmedia Online
Qatar iyo Imaaraadka oo ku hardamaya hanashada Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Labada dowladdood ayaa guntiga u xirtay sidii ay ku soo xero galin lahaayeen Rooble, iyadoo midba walba uu doonayo inuu kan kale kaga guuleysto hanashashada Ra'iisul wasaaraha, oo waqtigan xafiiskiisu yahay kan ugu awoodda badan hay'adaha dalka.

Dowladdahan ayaa soo jiidasho iyo ballan qaadyo u fidiyey Rooble, waana kuwa la diyaar ah dhaqaale kasta oo xoojinaya fara-galinta ay ku hayaan Soomaaliya oo xili doorasho ku jirto.

Ra'iisul wasaaraha ayaa iminka aad ugu dhaw Qatar tan iyo wixii ka danbeeyey safarkii uu ku tagay Doha, waxaase iminkan loolanka ku soo biirtay Imaaraadka, oo 4-tii sano ee ugu danbeysay la wiiqay awooddii ay ku lahaayeen talada Soomaaliya.

Soo laba kacleynta hamiga Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanaya Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo la rumeysan yahay inuu saaxiib dhaw la yahay dalkaasi.

Cumar ayaa Rooble la kulmay todobaadkan gudihiisa, isagoo kala sheekeystay arrimaha doorashadda, kana codsaday inuu albaabada u furo Imaaraadka Carabta, oo ka mid ah daneeyayaasha danleyda ah ee fara-galinta ku haya Siyaasadda Soomaalida.

Maalmo kadib kulanki uu Ra'iisul Wasaaraha la yeeshay siyaasigaasi, wuxuu Rooble isniintii shalay ahayd xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cuthman, kaasoo u bandhigay Rooble fariinta uu madaxda dalkiisa ka waday, oo u badnayd inuusan gorgortan ka galin awooddiisa dastuuriga ah, isla markaana uu laalo heshiisyadii ay Qatar la gashay, markii uu tagay bishii aynu soo gudubnay.

Imaaraadka Carabta oo la safan Mucaaridka, isla markaana ku hadleysa afka siyaasiyiinta ay danteeda ka dhex arkeyso, ayaa Rooble u ballan qaaday dhaqaale hor leh, taasoo uu dalabkeedu isaga leeyahay, waxaana la saadaalin karin sida uu Rooble uga dareen celin doono baaqaasi.

Labadan dowladdood ee Carabta ah, ayaa xilligan kala guurka ah, si aad ah u daneynaya natiijada doorashadda, waxaana mid walba uu wataa hoggaamiyayaal Soomaaliyeed, kuwaa oo dhaqaale doon ah, una suura galin kara in ay tallo ku yeeshaan arrimaha masiiriga ee dalka, waana arrin ay inta badan bulshadu ku tilmaamaan nasiib darro heysata madaxda Soomaalida.

Daruuro hubanti la'aaneyd ayaa 4-tii sano ee la soo dhaafay ku gadaamanaa kaalinta Imaaraadka ee Soomaaliya, iyadoo hakisay dhamaan mashaariicdii ay dalka waday, waxaana irdaha la isugu dhuftay dugsi ay ku tababari jirtay Ciidamada Soomaaliya, kadib caddaadis ay dabada ka riixeyso Qatar, oo kaga yimid hoggaanka waqtigiisu dhamaaday ee Villa Soomaaliya fadhiya.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.