Qatar iyo Imaaraadka oo ku loolamaya doorashadda

Labadii doorasho ee ugu dambeysay waxaa gacan sare ku lahaa Qatar, oo kusoo saartay lacageeda Xasan Sheekh 2012 iyo Farmaajo sanadkii 2017.

Warar Keydmedia Online
Qatar iyo Imaaraadka oo ku loolamaya doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Maadaama ay soo dhawaatay waqtiga doorashadda Madaxweynaha, oo dhacayso 15-ka bishan, Qatar iyo Imaaraad ayaa billaabey loolankooda hogaanka dalka.

Safiirka Imaaraadka mudada dheer u fadhiyay Muqdisho Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, ayaa Maanta hoygiisa ugu tagey Aadan Madoobe, gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka.

Waxay kawada hadleen arrimaha doorashadda Madaxtinimada, iyadoo Imaaraadka u muujiyay sida ay uga go'an tahay inuu soo saarto sanadkan Madaxweyne danihiisa dalka ka shaqeeya.

Shantii sano ee lasoo dhaafay, Qatar ayaa heshay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo adeegiyaal daacad ah u noqdey, iyadoo aan la ogeyn sanadkan inay dalka kusii lahaan doonto saameynteeda.

Labadii doorasho ee ugu dambeysay ee ka dhacay Muqdisho, waxaa gacan sare ku lahaa Qatar, oo kusoo saartay lacageeda Xasan Sheekh 2012 iyo MW hore Farmaajo sanadkii 2017.

Farmaajo ayaa hadda ah Musharax mar 2aad raadinaya xilka, waxaana la ogeyn inay Qatar lacag ku lumin doonto Musharaxnimadiisa, maadaama uu lumiyay kalsoonida shacabka shantii sano ee lasoo dhaafay.

Warar ayaa sheegay inuu Fahad Yaasiin raadinayo Musharax fursado badan leh, oo uu malageliyo, waxaana muuqata inay Qatar wahayaso hubanti la'aan, hadii ay wayso Musharax guuleysta.

Xasan Cali Khayra ayaa maalmahan la isla dhexmarayay inuu Doha iyo Istanbul si dhuumaaleysi ah ku tagey, isagoo Qatar ka raadinaya taageero dhaqaale oo ku galo doorashadda 15-ka May.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.