Qatar oo Imaaraadka ka ilaalinaysa inuu kasbado Ciidanka Soomaaliya

Imaaraadka ayaa Saldhigga Jen Gordan oo ku yaalla Muqdisho ku tababari jiray Guutada 14-ka October, oo kamid ah Militeriga Soomaaliya illaa 2018-kii.

Warar Keydmedia Online
Qatar oo Imaaraadka ka ilaalinaysa inuu kasbado Ciidanka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii xoogeysanaya loolanka dalalka Khaliijka ee Soomaaliya, iyadoo Qatar oo shantii sano ee Farmaajo ahayd dal saameyn siyaasadeed ku leh dalka.

Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa hadda dib usoo nooleeyay dhaq-dhaqaaqyadii diblomaasi ee Muqdisho, iyadoo Safiiradooda ay dhowr sano kadib ugu soo laabteen saaxadda siyaasadda.

Qatar ayaa isha ku haysa dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ugu jiraan inay gacanta ku dhigaan siyaasadda Soomaaliya, waxaana ay isku dayaysaa inay kasoo xirto albaabada oo idil.

Safiirka Qatar Hassan bin Hamza Hashem, ayaa shalay la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, oo ugu tagay Xafiiskiisa Muqdisho.

Qatar laguma baran inay taageerto Ciidanka Soomaaliya, oo tababaro ay siiyaan Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyadoo Imaaraadka uu joojiyay markii khilaafka billowday 2018.

Imaaraadka ayaa Saldhigga Gordan oo ku yaalla Muqdisho ku tababari jiray Guutada 14-ka October, oo kamida Militeriga Soomaaliya illaa 2018-kii markii lacagta $9.6 milyan laga qabtay.

Qatar Ciidanka waxay ka ilaalinaysaa Imaaraadka markale inuu kusoo laabto saameyntii uu ku lahaa Militeriga, maadaama hadda xiriirkooda uu dib usoo celinaya Ra'iisul Wasaare Rooble.

Markii ugu horeysay oo Qatar Ciidan u tababarto Soomaaliya waxay u qaadey kumanaan dhalinyaro ah dalka Eritrea, kuwaasoo markii la tababarey loo qaadey Tigray, oo ku dhintay iyagoo difaacaya Xukuumadda Abiy Axmed, oo saaxiib dhaw yihiin Farmaajo.

Dhalinyarada waxaa laga soo kala qoray gobolada dalka si qarsoodi ah, haba ugu badnaadaan Galmudug, waxaana lagu qiyaanay in Qatar loo qaadayo, oo ay ka shaqeyn doonaan Ciyaaraha Koobka Adduunka 2022, balse la geeyay Eritrea intii u dhaxaysay 2019-2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.