Qaxootiga Dhadhaab, Hagardheer iyo Ifo oo Lagu Hayo Hanjabaad Iyo Cago-Jugleeyn

Muqadisho (KON) - Kadib markii xiriir toos ah aan la sameynay dad ku nool xeryaha Dhadhaab, Dhagaxleey, Hagardheer iyo Ifo ayaa waxa aan helnay warar sheegaya in Hey’addaha qaabilsan Amaanka xeryahaasi ay bilaabeen cadaadis lala eegto shacabka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Goballada Jubbooyinka iyo Gedo.
Warar Keydmedia Online

Dadkan ayaa waxay ka cabanayaan dhac, boob iyo hanjabaadyo joogta ah.

Warar kale cabasho ah oo aan helnay ayaa sheegaya, in sadex qof oo xeryahaa lagala baxay ilaa iyo hadda aan la ogeyn inay nool-yihiin iyo in kale, halka labo dhalinyaro ah oo la xiray maalmo kahor ay xoriyadoodii dib uheleen. Sidoo kale, saacadahii aan soo dhaafnay shir wada-hadal oo dhaxmaray Odayaasha beelaha Sade iyo ciidamada abniga ayaa ku dhamaaday hanjabaad iyo cago-jugleeyn toos ah.

Si kastaba ha ahaatee, Somali-Kenyan saraakiil sirdoon ah iyo kuwa qaabilsan abniga xeryaha qaxootiga oo shirkaan fadhiyay ayaa ku eedeeyay beelaha Sade in ay Alshabab xiriir la leyihiin, hadalkan ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay Odayaasha Beelaha Sade oo shirkaa goobjoog ka ahaa ayagoo ku tilmaamay  dacaayad aan sal lahayn iyo siyaasad qabiil oo dan gaar ah laga leeyahay.

Oday-Dhaqameedyo kasoo Jeeda magaalada Garrisa iyo kuwa deegaanka ka agdhow ayaa si toos ah udhaliilay in qabiil gooni ah bartilmaamsi lagu sameeyo.  Odayaashan oo aan la xiriirnay ayaa ku tilmaamay hanjabaada mid foolxumo ah kana baxsan dhaqanka, ayagoo sheegay inay talaabo degdeg ah ay ka qaadi doonaan.

Sidoo kale Madaxa Hey’adda SADE International ayaa warbaahinta usheegay in wax walba oo tacadi ah oo ka dhaca  xeryahaas ama Jubbooyinka ay sii adkeyn karto wadajirka Maamul Gobolleedka Jubbaland iyo wada-noolasha shacabka walaalaha ah. Waxa uu yiri “Alshabab jifo beelahan ka mid ah ma’aha, Shabab qabiil maleh. Alshabab cidii dooneysa meelaha ay joogaan waa la yaqaan, Hadaba, qof kasta oo ku abtirsada Beesha Sade,  haddii loo geysto waxyeelayo, dhiigiisu waa boqol waana ka jawaabeynaa meelkasta oo la joogo. Markasta waxaa dan noogu jirtaa inaan nabad kula noolaano kana gar baxno cidkasta deris nala ah.”

Dhinaca Dibadda, Warsaxaafadeed si wadajir ah ay usoo saareen Maamulka Hey’adda Samafalka ee SADE International iyo Hey’adda loo yaqaan GDI (Gedo Diaspora Intellectuals) ayaa waxaa lagu sheegay in loo xilsaartay gudi sharci-yaqaano ah si ay dabagal ugu sameeyaan cabashooyinkan.

Sharci-yaqaanadan oo maantaba xiriir la sameeyay Heyaddaha caalamka, Amnesty International, Human rights Watch iyo Safaaradaha reer Galbeedka ee dalka Kenya, Islamarkaana, bilaabay in tiro-koob laga sameeyo tacadiyada loo geysto shacabkan iyo in la diiwaan geliyo dadka geysta dhibka, shaqsiyaadka magacyadooda, qabaa’iladooda iyo cida ay ushaqeeyaan, si markii loo baahdo loo horkeeno sharciga.

Si kastaba ha ahaatee, warsaxaafadeedkan ayaa shacabka loogu diray baaq ah in ay la shaqeeyaan hay’ada amniga iyo Odayaasha dhaqanka Deegaanadaas Waqooyi Bari Kenya, si abniga guud looga wada shaqeeyo.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi

Dr. Barre Cabdulle
SI Press Office,
Columbus Ohio
www.sade.org.so Sadehumanrights@gmail.com

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.