Qaylo-dhaan kasoo yeertay doorashadda Puntland

Doorashadii Senate ayaa dadka ka yaabiyay, waxaase kasii darey mida Gollaha Shacabka, oo shantii kursi ee ugu horeeyay Maanta la doortay kusoo baxay xubno ku dhaw Deni.

Warar Keydmedia Online
Qaylo-dhaan kasoo yeertay doorashadda Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Shan kursi ayaa Maanta lagu doortay xero Ciidan oo ku taalla magaaladda Garowe, taasoo ahayd doorasho la ogaa natiijadeeda iyo cida kusoo baxaysa.

Labo Wasiir oo katirsan Xukuumadda Deni ayaa ku jira iyo Wasiirkii Kaluunka dalka iibsadey C/llaahi Bidhaan Warsame, oo adeer u ah Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Kuraastan ayaa loo xiray shaqsiyaadka kusoo baxay, oo ergada iyo Malxiiska la yimid, iyadoo musuq-maasuqa ka dhashay qaylo-dhaan xoog leh oo kasoo yeertay magaalada Garowe.

Doorashadii Senate-ka 2021 ayaa dadka ka yaabiyay, waxaase kasii darey mida Gollaha Shacabka, oo 5tii kursi ee ugu horeeyay Maanta la doortay kusoo baxay xubno ku dhaw Deni.

Xildhibaanada Maanta lagu doortay Garowe:

1 - Cabdi Ibraahim (Qowdhan), Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland (Dhulbahante)
2 - Cabdullaahi Xasan Rooble Wasiru-dowlaha Waxbarashada Puntland (Dhulbahante)
3 - Axmed Taajir, Taliye ku xigeenkii hore Booliiska Somalia xilligii C/llaahi Yuusuf (Leelkase)
4 - Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya (Dhulbahante)
5 - Cali Yuusuf Cali Xoosh oo kursigan hore ugu fadhiyay  (Majeerteen).

Deni ayaa ah Musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo isku dayaya inuu soo saaro Xildhibaan daacad u ah oo u codeeya, waxaana taageeraya Axmed Madoobe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.