Qeybo kamid ah Soomaaliya oo Internet-ka ka maqan

Sanadkan gudahiisa waa markii labaad oo Internet la’aan ku dhacdo Koonfurta Soomaaliya, iyadoo midii hore lagu soo beegay xil ka qaadistii Xasan Cali Khayre July 2020, si dadka dareenkooda loo weeciyo.

Warar Keydmedia Online
Qeybo kamid ah Soomaaliya oo Internet-ka ka maqan

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka ayaa maanta ku waregliyay macaamiishooda inay cilad jirto, islamarkaana aysan ogeyn waqtiga ay ku qaadan doonto in lagu xalinayo.

Internet la’aanta ayaa saameyn ku yeelatay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo khasaaro xoog leh gaarsiiyay dhaqaalaha iyo waxbarashadda, maadaama ay ku tiirsanaayeen shaqooyinka maalinlaha.

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u sababeeyan Internet-ka maqan, iyagoo qaarkood aaminsan in si kutala-gal ah loo jaray, islamarkaana aysan jirin wax cilad ah. Warar ayaa sheegaya in shirkaddaha lagu amaray inay sidaas sameeyaan.

Sanadkan gudahiisa waa markii labaad oo Internet la’aan ku dhacdo Koonfurta Soomaaliya, iyadoo midii hore lagu soo beegay xil ka qaadistii Xasan Cali Khayre July 2020, si dadka dareenkooda loo weeciyo.

Shacabka Muqdisho ayaa saameynta ugu badan uu ku yeelanayaa maqnaanshaha adeegga internet-ka haddii uu sii socda, waxaana gebi ahaanba joogsan doono adeegyo badan oo qadka internet-ka ku xiran.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.