Qeybtii ugu horeysay Ciidankii ku maqnaa Eritrea oo yimid Muqdisho

Waxay gaarayeen tiradooda 5,000, waxaana qoray, oo u diray Eritrea Fahad Yasin, agaasimihii NISA, ee gacanta midig u ahaa Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Qeybtii ugu horeysay Ciidankii ku maqnaa Eritrea oo yimid Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Garoonka diraadaha Muqdisho kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay oo sida Ciidan laga keenay Eritrea, kuwaasoo qeyb ka ahaa 5,000 oo askari oo 2019 iyo 2020 Fahad Yaasiin u diray Asmara si tababar qarsoodi ah ugu soo qaataan.

Imaanshaha Ciidanka dowladda ma aysan sii shaacin, balse maalin kahor Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay inay bishan qeybta ugu horeysay dalka imaanayaan, kuwa kalena lasoo dhameystirayo bisha soo socota ee Jan. 2023.

Waalidiin badan ayaa taagnaa Garoonka oo mudo waysanaa Carruurtooda, waxaana tallaabadan ay tahay mid farxad gelisay Hooyiin iyo aabiyaal badan oo mudo wadooyinka Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay dowladii Farmaajo uga dalbanayeen inay Ubadkooda usoo celiso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labo mar Ciidanka ku booqday Eritrea, tan iyo doorashadiisii Bishii May 2022, waxaana hadda soo gaba-gaboobay welwelkii Waalidiinta dhalay Dhalinyaradda maqnayd, oo sanadkii tagey la sheegay inay qaar kamid ah ku dhinteen dagaalka Tigray.

Imaanshahooda waxuu kusoo beegmayaa xili dalka dagaal uu ka socdo, oo dowladda la wareegtay meelo badan, islamarkaana u baahnayd Ciidanka lagu tababarey Eritrea, oo la filayo inay ku biiraan howlgalalda socda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.