Qiimaha Codadka Xildhibaanada oo sare u kacay Doorashadda

Musuq-maasuq xoogan ayaa ka jira doorashadda iyo codad kala-iibsi, iyadoo Musharixiinta jeebkooda buuxa ay bixinayaan lacag aad u badan oo Xildhibaanada lagu iibsanayo.

Warar Keydmedia Online
Qiimaha Codadka Xildhibaanada oo sare u kacay Doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Suuqa kala-ibsiga codadka Xildhibaanada ayaa maraya meeshii ugu sareysay, iyadoo xalay aan laga seexan huteellada Muqdisho, oo Musharxiinta ay ka dukaamaysanayeen illaa waaberigii.

Keydmedia Online oo si dhaw ula socotay dhaq-dhaqaaqa Mushariixinta, ayaa heshay macluumaad sheegaya in codkii halka Xildhibaan uu gaarey xalay 100,000USD illaa 150,000USD.

Villa Soomaaliya ayaa bixinaysay lacagta ugu badan, iyadoo la sheegayo inay Xildhibaanada ka duubeyso muuqaallo ay ku cadeynayaan inay codadkooda MW hore Farmaajo ka iibsadeen.

Doorashaddan oo 35 Musharax ku tartamayaan ayaa waxaa la rumeysan yahay inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd, iyadoo Xildhibaanada cusub ay qaab xulis ah ku yimaadeen.

Qubarada siyaasadda waxay sheegeen in Qofka lacag badan ay u badan tahay inuu guuleysto, maadaama aysan jirin wadaniyada iyo dal jacayl ku jira Xildhibaanada soo shaqo tagey, ee lacag doonka ah.

Doorashadda waxay ka dhacaysaa Afisyooni, waxaana codeynaya Xildhibaanada labada aqal oo ka kooban 329 mudane, kuwaasoo inta ugu badan ka yimid Koonfur Galbeed, oo Lafta Gareen usoo saarey inay doortaan Farmaajo.

Afar Musharax - C/kariin Xuseen Guuleed, Dr C/naasir Cabdulle, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Siiriin ayaa ka tanaasulay tartanka xilka ugu sareeya dalka Soomaaliya.

Wadooyinka Muqdisho ayaa saakay jirin gaadiid shaqeynaya, iyadoo magaaladda xalay la saarey bandow soconaya illaa berri subax, waxaana la joojiyay duulimaadka diyaaradaha Garoonka Aadan Cadde.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.