Malaayiin ku nool Soomaaliya ayaa u baahan gargaar - UN

Hay'adaha samafalka ayaa lagu eedeeyay inaysan si dhab ah wax ugu qaban shacabka, iyagoo dhaqaalaha caalamka ugu deeqo Soomaaliya la musuq-maasuqo, iyadoo aysan soo gaarin dalka 50%.

Warar Keydmedia Online
Malaayiin ku nool Soomaaliya ayaa u baahan gargaar - UN

MUQDISHO, Soomaaliya - QM ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 5.2 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar illaa 2021-ka, taasoo ka dhalatay isbedelka cimilada, fatahaadaha, ayaxa dalaga beeraha baabi'iyay iyo COVID-19.

Hay'adda OCHA ayaa sheegtay in 2.6 milyan oo qof ay ku nool  xeryaha barakacayaasha mudo dheer halka in ka badan 1 milyan ay soo barakaceen sanadkan, kadib markii degaanadii ay ku noolaayeen fatahaado iyo ayax uga soo carareen.

Fatahaadii dhawaan ku dhufatay degmooyinka uu maro webiga Shabelle ayaa saameeyay 1.6 milyan, oo 716,000 oo kamid ah ay barakaceen, iyadoo biyaha webiga ay burburiyeen dalagii ka baxayay beeraha, waxaana ka dhashay cuduro, sida shuban biyood iyo Malaria.

Ayaxa tan iyo January 2020 cunayay beeraha waxa uu cunto la'aan ka dhigay 685,000 qof, sida ay OCHA sheegtay. Caruur lagu qiyaasay 850,000 oo da'doodu ka yartahay 5 sano ayaa soo wajahday nafo-darro oo bishii August billaabatay, islamarkaana sii socon doonto illaa sanadkan dambe.

Tirada dadka cunto yarida haysato ayaa ka badatay tiradii la saadaaliyay oo ahayd 1.3 milyan, waxayna gaaraysaa sanadka soo socda 2.1 milyan, maadaama fatahaada iyo ayaxa ay cagta mariyeen dalagii ku beernaa dhul beereed ballaaran.

QM ayaa dalbatay 1.01 bilyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinkan, waxayna illaa hadda heshay 61% lacagtaas oo dhigmata 618 million. Dowladda Federaalka Soomaaliya ma jirto wax dedaal ay oo ay wado, waxayna gabtay doorkeedii inay u adeegto shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.