QM oo ka hadashay shaqaale looga dilay Soomaaliya

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa maamulada inay sameeyaan baaritaan dhameystiran oo ku saabsan dilka, waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska dhibanayaasha.

Warar Keydmedia Online
QM oo ka hadashay shaqaale looga dilay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii loo geystay labo kamid ah shaqaalaha samafalka, kuwaasoo maalin kahor lagu dilay duleedka Muqdisho.

Labada shaqaale ee samafalka waxay ku lug lahaayeen olole tallaalka cudurka dabaysha, oo ay kala shaqeynayeen hay'adda UNICEF, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

"Waxaan ka codsanayaa dhamaan dhinacyada inay ilaaliyaan shaqaalaha samafalka, oo ay ka mid tahay iyadoo la ilaalinayo mabaadi'da bani'aadamnimada ee aadanaha, eex la'aanta, dhex-dhexaadnimada iyo madax-bannaanida, si aan uga cirib-tirno cudurrada looga hortegi karo sida cudurka dabaysha," ayay QM sheegtay.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli 23 carruur ah uu ku dhacay cudurka dabaysha. Gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, shaqaalaha bani'aadamnimada oo si aan kala joogsi lahayn u shaqeynayey si ay talaalka dabeysha ee afka laga qaato u siiyaan 1.65 milyan oo carruur ah, oo intooda badan ku nool Muqdisho.

Amniga ayaa wali caqabad weyn ku ah howlaha samafalka ee ka socda Soomaaliya. Laga soo bilaabo January 2020, 191 dhacdo oo ka dhan ah howlaha samafalka ayaa la diiwaangeliyay, kuwaasoo lagu dilay 13 shaqaale samafal ah, 12 la dhaawacay, 24 la afduubay iyo 14 la xiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.