QM oo ka walaacsan weerarada argagaxiso ee Soomaaliya

Madaxa qaramada midoobay waxa uu u muujiyey tacsi tiiraanyo leh ugana tacsiyeeyay qoysaskii dadkii wax ku noqday isagoo caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Warar Keydmedia Online
QM oo ka walaacsan weerarada argagaxiso ee Soomaaliya

NEW YORK - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarada argagaxiso ee ka dhacaya dalka Soomaaliya iyo sida ay DF ugu fashilantay amniga.

Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Jimcihii lasoo dhaafay, kaasoo ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Madaxa Qaramada Midoobay waxuu uga tacsiyeeyay qoysaskii dadkii ay jeclaayeen ku waayay qaraxa Is-miidaaminta ahaa, isagoo caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Xoghayaha guud wuxuu ku celiyey sida buuxda ee ay uga go'antahay Qaramada Midoobay inay dadka iyo dawlada Soomaaliya ka taageerto la dagaalanka argagixisada, xagjirnimada rabshadaha wata iyo dambiyada abaabulan ee lagu dhisayo wadan xasiloon, nabad iyo barwaaqo ah.

Ugu yaraan 14 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Jimcihii in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meel u dhow Garoon ku yaalla Gaalkacyo, kahor khudbad qorshaysan oo uu jeedin lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.