Qof kale oo Soomaali ah oo lagu dilay South Africa

South Africa ayaa waxaa lagu dilay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay boqolaal Soomaali ah oo gaangistarro u dhashay dalkaasi ku beegsadeen goobahooda ganacsi.

Warar Keydmedia Online

SOUTH AFRICA - Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Ibraahim C/llaahi Maxamed ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla degaanka Kalaamos oo ku dhow Tuulada Paarl ee Magaalada Cape Town.

Sida ay sheegeen ehelkiisa, Marxuumka ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaarey dhanka wadnaha oo la sheegay inuu ahaa mindi haweeney ay murmeen uga dhufatay, taasoo markii dambe ay xireen booliska South Africa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.