Ganacsade lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii caawa degmada Wadajir ku dilay nin ganacsade ah, oo dukaan yar ku lahaa xaafada kaawa-godeey.

Warar Keydmedia Online
Ganacsade lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubeysan ayaa caawa xaafadda Kaawa-godey, ee degmada Wadajir ku dishay nin ganasade ahaa.

Ragga dilka gaystay ayaa lagu sheegay labbo nin oo dhallinyaro ah, kuwaasoo ku hubeysnaa bistoolado.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Xuseen, ayaa lagu hor dilay gurigiisa hortiisa xilli uu u socday Masjidka Salaadii cishaha.

Dableydii dilka gaysataya ayaa goobta isaga carartay, waxaana soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka, kuwaasoo sameeyey howlgallo aanay cidna ku soo qaban.

Lama ogga sababta ka danbeysay dilka ninkan dukaan laha ah, iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyada dilkiisa.

Falalka ceynkan oo kala ah ayaa looga bartay kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo sanadihii ugu danbeeyey sheeganayey mas'uuliyada dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Caasimadda, oo ay inta badan ku naf waayaan dadka shacabka ah, qaarna ay ku dhaawacmaan.

Amaanka Muqdisho, ayaa sii xumaanayey tan iyo bilawgii bishii November ee sanadkan 2021, iyadoo aysan jirin jawaab sugan oo laga hayo hay'adihii amniga ee arrintan ku shaqada lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.