Qoor-qoor oo dayac baahsan baday bulshada Galmudug

Seddex sano iyo bilooyin oo uu Qoor-qoor yahay hoggaanka Galmudug, lama hayo howlo wax tar leh oo uu ku soo kordhiyey deggaanada ay Galmudug ka arrimiso, waxaana muuqda dayac baahsan oo ay bulshadu ka dhaxleen maamulkiisa.

Warar Keydmedia Online
Qoor-qoor oo dayac baahsan baday bulshada Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya- Bilawgii 2020-kii ayey ahayd markii Farmaajo iyo Fahad ay Axmed Qoor-qoor u gacan galiyeen Maamulka Galmudug, oo markaas xag amni iyo dhaqaalaba soo kobcayey, bulshadiisuna ay ahayd kuwa adag oo dhan walba ka diyaar garoobay.

Wuxuuse markuu talada qabtay durba cagta mariyey wax walba oo deggaanada Galmudug u horseedi kara nabad iyo baraare, ilaa iyo iminkana ma ahan nin ka garaabaya dhibaatadii uu Galmudug u geystay.

Qoor-qoor wuxuu oggolaaday in Galmudug la keeno ciidamo laga soo daabulay Muqdisho, kuwaas oo xasuuq kala duwan ka geystay magaalooyin ay ka mid tahay Guriceel.

Amniga Galmudug ayaa iminka ah mid aan la isku haleyn karin, kadib markii ay Al Shabaab fursad weyn u aragtay joogitaankiisa, waana kuwa maanta saameyn weyn ku leh deggaanada Maamulka.

Shacabka ayaa noqday kuwa isku tashta oo hubka qaata, isla markaana iska caabiya kooxaha argagixisada ah, waana arrin kala dhalatay markii ay dibindaabyo mooyee, diirnax ka waayeen xukunkiisa.

Hadda waxaa aasmay oo ciid ka hoos maray guryo ku yaalla deggaano uu maamulku ka arrimiyo, oo ay ka mid tahay deggaanka dhiinoowe oo ka tirsan gobolka Mudug, mana jirto ilaa iyo iminka wax gurmad ah oo uu maamulka Galmudug la gaaray.

Qoor- qoor oo ah shakhsiga ka masuulka ah dhibaatooyinka ay muteen bulshada Galmudug, ayaa ah weli nin ku xiran kooxdii lagaga awood roonaaday doorashada ee uu horboodayey Fahad Yaasiin, waxaase libin ah in shacabka Galmudug ay ka dharagsan yihiin hodka uu ku wado jiritaanka maamulkaas iyo dadkiisaba.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.