Qoor Qoor oo Deni kula kulmaya Gaalkacyo

Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xaalada Gobolka Mudug oo ay kusoo bateen falalka Amni darro oo ay geysanayaan Al-Shabaab iyo Colaad Beeleedyada.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo Deni kula kulmaya Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni yo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta ay safar ku tagaan Magaalada Gaalkacyo, ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni oo haatan ku sugan Magaalada Garoowe ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, waxaana la sheegay in uu Gaalkacyo kula kulmi doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  (Qoor Qoor).

Labada Madaxweyne ayaa waxay ka wada hadli doonaan, sida aya wararku sheegayaan xaalada amniga ee Gobolka Mudug oo ay kusoo bateen mudooyinkii dambe qaraxyada ay geysanayso Kooxda Al-Shabaab iyo Colaad Beeleedyada.

Sidoo kale, Deni iyo Qoor Qoor ayaa si weyn uga hadli doona arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya oo uu muran ka taagan yahay, iyadoo Axmed Madoobe iyo Deni aysan weli dowladda u soo gudbin Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad goboleed.

Qoor Qoor oo safaro ku yimid Muqdisho ayaa waday qorsho uu ku dhex-dhexaadinayo Musharixiinta diidan Guddiyada doorashooyinka Rooble magacaabay, kuwaasoo aan loo marin dhismahooda nidaam sharci ah, oo waafaqsan heshiiskii doorashadda Sep 17.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.