Qoor-Qoor oo mar kale eedeeyay Deni, Madoobe iyo Musharixiinta

Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor oo wareysi siiyay laanta Af-ka Soomali-ga ee BBC, ayaa ku celiyay hadlkiisi ahaa in uu jawaab ka waayay Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland & Midowga Musharixiinta.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo mar kale eedeeyay Deni, Madoobe iyo Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoor-Qoor ayaa sheegay in Garoowe, Gaalkacyo iyo Muqdisho arimaha uu u tagay ay ahaayeen dadaal muddo soo socday oo ku saabsanaa xal u helidda khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka.

Wuxuu sheegay in tabashooyinka ay qabaan Maamulada iyo Midowga Musharixiinta markii uu Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha kusoo celshay ay tanaasul muujiyeen.

Mar la weydiyay in dhinacyada kale ay iska fogeeyeen in wax jawaab ah aysan uga imaan dhankiisa, ayuu yiri, “Ma aha qarsoodi siyaasiyiin badan oo markaan la wadaageynay joogay ayaa jira”.

Qoor-Qoor, waxuu sheegay in Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta ay arimaha xiriirka rag u qaabilsanyihiin, wuxuu carabka ku dhuftay Axmed Madobe, isagoo sheegay in isaga mas'uuliyadda saran ay ka weyn tahay inuu u jawaabo.

Qoor-Qoor oo ka hadlayay MW Jubbaland ayaa yiri: “Axmed Madoobe wuxuu yiri war qad masoo qorin Axmed Qoor-Qoor, marka warqad lama soo qorin ayaa ku filan iyadana, maxaa yeelay anigana waraaq la iima soo dhibin markii hore waana hadallo iyo jawaabo aan dalku maanta u baahneyn”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.