Qoor-Qoor oo qaladkiisa doorashadda ku adkeysanaya

Mushariixinta uu soo xulay Qoor-Qoor waxaa la sheegay inay isagu jireen kuwa uu u abaal-gudayay, oo dhismaha maamulkiisa ka qeyb-qaatay iyo kuwa siyaasadda ay saaxiibo ku yihiin.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo qaladkiisa doorashadda ku adkeysanaya

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa difaacay qaabka uu u maamulay doorashadda Kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug, kuwaasoo lix kamid ah dhawaan Dhuusamareeb lagu doortay.

Isagoo ka hadlayay xuska sanad-guuradda 15aad ee aas-aaska Galmudug, Qoor-Qoor ayaa ku adkeystay inay sax ahayd sida uu kusoo xulay Musharixiinta, wuxuuna ku yiri kuwa dhaliilay: "Adeer u dulqaata doorashadda dadban".

Wuxuu intaasi ku daray: "Doorasho qof iyo cod ah Allah hana gaarsiiyo, wixii intaas ka horeeya, haloo dulqaato doorashadda dadban," ayuu yiri Qoor-Qoor, oo iska difaacaya eedeymaha uga imaanaya siyaasiyiintii uu tartanka ka reebay.

Mushariixinta uu soo xulay Qoor-Qoor waxaa la sheegay inay isagu jireen kuwa uu ugu abaal-gudayay ka qeyb-qaadashada doorashadiisii iyo dhismaha maamulkiisa iyo kuwa siyaasadda ay saaxiibo ku yihiin.

Baarlamaanka Galmudug ayaa qabtay doorasho aan lagu tartamin, oo tanaasul la isku sameeyay, waxaana kusoo baxay Musharixiintii la saadaaliyay, kuwaasoo qaarkooda kusoo laabtay kuraasta.

Lix kursi ayaa la doortay, waxaana u dhiman Galmudug labo Kursi oo mid kamid ah ay ku loolamayaan Cabdiqeybdiid iyo Xaaf. Galmudug waa meesha ugu adag doorashooyinka dalka.

Galmudug waxay kamid tahay goobaha uu Farmaajo ku tashanayo oo codka ka rabo, waxaana lamid ah HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo madaxda ka talisa ay ahaayeen kuwa Villa Somalia dhistay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.