Qoorqoor Farmaajo ma u boobi karaa kursiga HOP095?

Caro xooggan ayaa ka dhalatay, damaca Qoorqoor, ku doonayo inuu boobo kursga, HOP095, ee degaan doorashadiisu tahay Gaalkacyo, waxaana magaalada laga soo sheegayaa kacdoon bulsho iyo gadood ciidan.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor Farmaajo ma u boobi karaa kursiga HOP095?

GAALKACYO, Soomaaliya – Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, [Qoorqoor], ayaa u tafa-xetay, boobka kursiga tirsigiisu yahay, HOP095, kaas oo ay ku suntan yihiin, beelaha Odow Sacad, ee dega Koofurta iyo Bariga Mudug,

Xogaha ka imaanaya Gaalkacyo, ayaa sheegaya in beelaha ku mideysan ODOW, sida; Jalaf, Nimcaale, Barqadle, Qurdhaale, Rer Maxamed iyo Rer Cabdi, ay si buuxda Qoorqoor ugu war galiyeen, in ay doonayaan in HOP095, loogu tartamo si daah-furan.

Odayaasha dhaqanka iyo dadka ay ka go’do talada beelaha kursiga isla leh, waxa ay hore u sheegeen in hannaanka loo marayo doorashada kursigaan, uu noqdo mid la mid ah, kursigii Wuqujire, ee HOP060, kaas oo Qaali Cali Shire, kaga adkaatay Ubax Tahliil.

Hayeeshee, Qoorqoor, oo soo jeedintaas, garab maray, ayaa doonaya inuu kursiga, u xoogo shaqsiyaad, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku daaban.

Wuxuu meesha ka saaray, qaar ka mid ah, saxiixayaashii beelaha, wuxuuna gacantiisa ku qoray, saxiixayaal cusub, taas oo sababtay, in magaalada laga dareemo abaabul ciidan oo xooggan, kaas oo ay wadaan beelaha xaqooda la duudsiyay.

Qoorqoor, labo arrimood kama yeeleyno, marka koobaad, inuu ku tunto qeybta beelaha ODOW, ka yeeli meyno, sidoo kale, inuu Farmaajo kursi Sacad u boobana ka yeeli meyno, waa wax aan dhici karin, si doorashadu nabad ugu dhacdo, beelaha kuraasta leh, doorashadooda haloo madax banneyo, ayuu yiri, mid ka mid ah saraakiisha xalay abaabulka ciidan sameeyay.

Tallaabadaas, ayaa sababtay, in  Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, uu muddo hal maalin ah dib u dhigo, shaacinta Guddiga Xulista ergada kuraasta HOP095, HOP038  HOP069, iyadoo la filayo in maanta oo Jimco ah la soo saaro soo xulayaasha ergada.

Sida qorshihii hore ahaa, doorashada kuraastaan, ayaa la filayay in ay dhacdo,  12/03/2022, oo sabtiga ku beegan, hayeeshee, waxa ay dib ugu dhacday Axadda, oo 13/03/2022, ku asteysan, kadib cadaadis ka yimid beelaha leh HOP095.

Baarlamaankii 10-aad, waxaa HOP095, ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac, oo ka mid ahaa kabo-qaadyada Farmaajo, kaas oo hadda aan wax rajo ah laheyn, kuna quus qaatay, doorashadii mucjisada ahayd ee kursiga Wuqujire ee HOP060.

Hayeeshee, Qoorqoor, oo badbaadin waayay Ubax Tahliil, ayaa doonaya in kursigaan, la saaro, shaqsi Madaxtoyadu magaciisa soo gudbisay, waxaase hor taagan, oo tallaabadaas diiddan beelaha leh kursiga, oo doona in ay doortaan, shaqsi matalaatiisa la hubo.

Sida ay Keydmedia Online, ku ogaatay, u kuur galid, ay ku sameysay, guuxa shacabka, Musharrax Xildhibaan, Maxamed Siciid Yare iyo Marwo zeynab Xaabsay oo ah G/miyaha Degmada Wardhiigley ayaa ah shaqsiyaadka ay Bulshadu la dooneyso in ay ka mid noqddan  baarlamaanka 11-aad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.