Gaalkacyo: Qoor-Qoor oo ka qeyb galay Tacsi Qaran

Madaxweynaha Galmudug iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa si wada jira ah uga qeyb galay Tacsi-Qaran oo loo sameenayo saraakiishii lagu laayay magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii December.

Warar Keydmedia Online
Gaalkacyo: Qoor-Qoor oo ka qeyb galay Tacsi Qaran

GAALKACYO, Soomaaliya - Waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay Tacsi Qaran oo loogu baroor-diiqayo Saraakiishii ku geeriyootay qaraxii magaalada Gaalkacyo ka dhacay dhamaadkii sanadkii 2020. 

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur, guddoomiye Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Galmudug Faadumo Cabdi Faandhe Wasiiro, Xildhibaano ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, Senetaro, Xildhibaano DFS, Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo Puntland iyo Galmudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob, Siyaasiyiin & Shacab ayaa ka qeyb galaya Tacsida Qaran ee maanta.

18 December 2020 qarax lala damacsanaa in lagu khaarajiyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble "ROGANE" ayaa wuxuu ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Weerarkii qaraxaasi waxaa ku geeriyootay Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad, ee xoogga dalka Soomaaliya ee ka howl gala Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray maalin kahor magaalada Gaalkacyo, ayaa halkaasi waxay kaga qeyb galayaan Tacsida Qaran ee loo sameenayo Saraakiisha halkaasi ku naf waayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.