Degmada Qoryooley garab-qabad ayay rabtaa

Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa laga soo warinayaa dhibaato xooggan oo la xariirta la’aanta edeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Warar Keydmedia Online
Degmada Qoryooley garab-qabad ayay rabtaa

QORYOOLEY, Soomaaliya – Xaaladdii bini’aadannimo ee ugu liidatay ayaa ka taagan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeella hoose, kadib markii ay in muddo ah ku hoos jirtay go’doon dhanka socdaalka ah oo ay galiyeen Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab.

Dadka shacabka ayaa si weyn kaga cabanaya la’aanta adeegyada aas-aasiga ah ee lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada, sida caafimaadka oo aad u hooseeya iyo goobo waxbarasho oo aan jirin.

Isbitaallo waaweyn oo ku yaallay degmada, lana hirgaliyay xilligii Kacaanka, oo ay dhistay Dowladda Talyaaniga aya xiran, taasina waxa ay saameyn taban ku yeelatay shacabka danyarta u badan oo cudurrada duumadu hoggaamineyso dariska la noqday sanadihii danbe.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley, Sayid Cali Ibraahim, wuxuu dowladda iyo hay’adaha gargaarka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada marba marka ka danbeysa sii kordheysa ee ka taagan degaanka.

Degmada Qoryooley oo qiyaastii 100 Km Koonfur ka xigta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa lagu xasuustaa inuu waayihiisii danbe ku qaatay Madaxweynihii u horreyey ee Soomaaliya, 1960 ilaa 19667, Aden Cabdulle Cismaan.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa go’doomisay degmooyon iyo degaanno badan oo dhaca Koofurta Soomaaliya, gaar agaan Shabeellaha dhexe, Bay iyo Bakool, waxaana dhamaan degaannada go’doonsan laga soo sheegayaa xaalado bini’aadannimo oo aad u daran.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle, ayaa u muuqda in ay dhagaha ka fureysanayaan cabashada shacabka iyo baaqyada ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka taagan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.