Rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo xabsi daa’in lagu xakumay

Labo Nin oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu xakumay Xabsi daa'in, kaddib markii la saaray maxkamad.

Warar Keydmedia Online
Rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo xabsi daa’in lagu xakumay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun xabsi daa'in ah ku ridday Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & Maxamed Xuseen Xasan Abuukar.

Labadan nin ayaa la soo qabtay iyagoo dagaallamayay, waxayna ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Bacaad-Weyn, horraantii sanadkan markii ay dagaal toosa kula galeen kooxda ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Raggan la xukumay ayaa haysta racfaan muddy 30 cisho ku eg haddii aysan ku qanacsaneen xukunka lagu riday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.