Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan magaalada Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku sii jeeda magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha hoose.

Warar Keydmedia Online
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan magaalada Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda u ambabaxaan safar gaaban oo ay ku tagayaan, magaalada Jowhar oo hadda xarun u ah Dowlad goboleedka HirShabeelle.

Socdaalka RW Rooble, ayaa ku qotoma soo idha-indhaynta inta ay la egyihiin fatahaada uu Wabiga Shabeelle, ka geystay dhulka ku hareereysan magaalada Jowhar, wuxayna booqashadaan noqon doontaa midii ugu horreysay ee uu Muqdisho kaga baxo tan iyo markii la saxiixay heshiiskii doorashooyinka.

Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga dareemayaa Jowhar, waxaana shalay magaalada dib ugu laabtay Madaxweynaha Maamulkaas Cali Guudlaawe, oo ay wehliyaan ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha iyo shaqaale ka tirsan xafiiskiisa.

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay qeybo ka mid ah gobollada Hiraan iyo Shabeellaha dhexe, kadib roobka Goga, (GU’) oo si xoogan uga da’ay dalka dabayaaqadii bishii April, wuxunaa burburiyay dhul beereed aad u baaxad weyn.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.