Al-shabaab oo Weerararey Xarunta Golaha Shacabka.

Muqdisho (keydmedia) kooxda Shabaab ee dowlada la dagaalanta ayaa duqeyn ku garaacday xarunta golaha shacabka oo ay ku shirayaan Baarlamaanka maanta.
Warar Keydmedia Online

Duqeynta shabaab iyo jawaab ay ka bixiyeen ciidamada Amisom ayaa laga dhaxlay dhimashada 4 qof oo rayid ah iyo dhaawac dad ku dhaw 10 ruux oo ku sugnaa degmooyin kale duwan oo ka tirsan gobalka Banaadir.

Kulanka Baarlamaanka ee la duqeeyay ayaa waxaa ajandihiisa uu yahay su’aala ay xubnaha Baarlamaanka weydiinayaan wasiirka garsoorka awqaafta iyo diinta dowlada iyo taliyaha ciidamada Asluubta.

Kulan walba oo ay isugu yimaadaan Baarlamaanka ayaa laga fishaa dhibaato dhimasho iyo dhaawac oo ay la kulmaan shacabka, waxaana mar walba oo ay shacabka maqlaan in baarlamaanka ay shirayaan ay walaac ka muujiyaan xaalada magaalada iyo dhibaatooyinka dhalankar.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.