Reer Ceel Garas: Shabaab waa la dagaalameynaa

Galguduud(keydmedia) Shacabka ku nool degmada Ceelgaras ee gobalka Galguduud ayaa waxa ay ku hanjabeen in ay dagaal kala hortagi doonaan kooxda shabaab haddii aanay joojin dhibaateynta odayaasha ku nool degmada Ceelbuur.
Warar Keydmedia Online

Hanjabaada ka soo yeertay shacabkan ku nool Ceelgaras ayaa ka danbeysay kadib markii shalay ay ku xirxireen Shabaab odayaal deegaanka ah degmada Ceelbuur oo ka tirsan isla gobalka Galguduud.

Shabaab ayaa shalay u taxaabay Xabsiga odayaal badan kadib markii odayaasha ay isku dayeen in ay ka daba tagaan nin ganacsade ah oo ay shabaabka xabsiga u taxaabeen kadib markii ay karbaasheen.

Odayaasha ay shabaabka xireen qaarkood ayaa lagu magacaabaa Xuseen Buraale, Cabdi Faarax, Max’ud Nageeye, Cabdi Qoodaar iyo kuwa kale, waxaana shacabka ceelgaras ku nool ay carrabka ku adkeeyeen in haddii aan la sii deyn odayaasha ay dagaal bilaabi doonaan.

www.keydmedia.net

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.