Roob lagu diirsaday oo ka da’ay Sh.dhexe

Sh.dhexe(keydmedia) Wararka aynu ka heleyno gobalka Sh.dhexe ayaa sheegaya in degmooyin ka tirsan gobalkaasi ay ka da’een roobab lagu diirsaday oo muda socday.
Warar Keydmedia Online

Roobka oo socday mudo ku dhaw saacad ayaa ka da’ay degmooyinka Jawhar iyo Mahadaay iyo deegaano hoostaga, waxaana dadka deegaanadaasi ku nool markii dhibacda roobaad ay bilaabatay dhamaantood ay usoo baxeen banaanka si ay ugu diirsadaan roobka.

Degmooyinka iyo deegaanada roobka uu ka da’ay dadka ku nool ayaa isugu marxabeynayay dhibacad roobaad ee ka curatay deegaanadaasi waxaana ay alle ka tuugeen inuu barwaaqada uu u sii kordhiyo si ay uga baxaan abaarta iyo dhibaatada.

Mudadanba gobala fara badan oo ka tirsan Dalka waxaa ka jiray abaaro baahsan oo dad iyo duunyo dhibaato u geestay waxaana deegaanada qaarkood abaarta darteed ugu geeriyooday dad Soomaaliyeed.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.