Rooble: Farmaajo wuxuu wadaa waan boobaa ama waan bannadaa doorashadda

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa saacado ka hor shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa, isagoo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynihii muddo xiilleedkiisu dhamaaday.

Warar Keydmedia Online
Rooble: Farmaajo wuxuu wadaa waan boobaa ama waan bannadaa doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Xuseen Rooble oo wajigiisa ay ka muuqatay carro fara badan ayaa tilmaamay, in aan la aqbali karin tallaabooyinka uu saacadihii ugu danbeeyey qaaday Farmaajo, kuwaasoo uu Rooble ku macneeyey afganbi bareer ah oo lagu sameynayo dowladnimada Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay, in madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday, uu ku tumanayo dastuurka dalka, isla markaana uu doonayo inuu boobo doorashadda dalka, waxaana yoolka uu damacsan yahay Farmaajo uu ku sifeeyey "waan boobaa ama waan bannadaa doorashadda" taas oo uu tibaaxay RW Rooble in uu ka biyo diidday.

Ra'iisul Wasaaraha dalka oo hadalkiisa sii wata, ayaa carabka ku dhuftay in Farmaajo uu ku xadgudubay dastuurka dalka, wuxuuna ujeedka hoggaamiyaha waqtigiisu dhamaaday uu ku sheegay inuu rabo inuu carqaladeeyo doorashadda, isla markaana uu dalka galiyo dagaal iyo qalalaaso.

Rooble ayaa xusay, in Farmaajo aanu waxba ka duwaneyn musharaxiinta kale, sidaas awgeedna aysan ka amar qaadan karin dhamaan ciidamada qalabka sidda, kuwaa oo hada wixii ka danbeeya xukuumadda ka amar qaadan doona.

Maxamed Xuseen Rooble, ayaa arrin aan suura gali karin ku tilmaamay inuu oggolaado boobka doorashadda ee uu damacsan yahay Farmaajo, wuxuuna  mar kale ku baaqay RW shirkii madasha wadatashiga qaran, kaa oo lagu gorfeyn doono dar dar galinta arrimaha doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE 
 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.