KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xueen Rooble, iyo Wakiilka xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa ka wada hadlay arimo ku saabsan dar dar galinta doorashadda.
MUQDISHO, Soomaaliya - James Swan, ergayga QM ee Soomaaliya, ayaa ka dalbaday RW Rooble in la dhaqaajiyo doorashadda oo iminka ah mid jiitameysa, islamarkaana todobaadyada soo socda la soo gaba gabeeyo tan Aqalka Hoose, oo todobaadkii tagay bartankiisii la daah-furay.
Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray habkii Beesha Caalamka ay kaalin uga gaysan lahayd daruufta dhaqaale iyo mida farsamo ee ku geedaaman doorashooyinka Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in si wanaagsan la isugu af-gartay.
Swan ayaa Rooble la wadaagey walaaca xooggan ee ay Beesha Caalamku ka qabto doorashooyinka jiitamayo ee Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay in la sameeyo dadaalo dheeri ah, si dalku uu dowladda cusub u yeesho kahor inta uusan dhamaan sanadka 2021.
Dhawaan ayey ahyad markii uu Rooble ku booriyey dhamaan Maamul Goboleedyada dalka in ay de-dejiyaan doorashooyinka Aqalka Hoose, oo lagu wado in ay ku soo baxaan 275 Xildhibaan, waxaase Galmudug wali ku dhiman labo kamid ah xubnihii 8-da ee ku matali lahaa Aqalka Sare, taasoo iyaduna caqabad ah.
Qaraalo kala duwan oo mudooyinkii ugu danbeeyey ka soo baxayey Beesha Caalamka ayey wal-wal uga muujinayeen xaaladda doorashadda Soomaaliya, waana mid dhaqaaqideeda ay diidan yihiin kooxda sida sharci darrada ku fadhisa Villa Soomaaliya.
Si kastaba, doorashadda Soomaaliya ayaa ah mid ay ku geedaaman yihiin dhowr caqabadood oo kala duwan, waxaana ugu horeeya amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo aan la saadaalin karin xilliga rasmiga ah ee ay soo idlaaneyso.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.