Rooble iyo Madoobe oo u socdaalay Sucuudiga

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka hoose oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Wasiirrada aan wali xilka wareejin ayaa u ambabaxay dalka Sucuudiga.

Warar Keydmedia Online
Rooble iyo Madoobe oo u socdaalay Sucuudiga

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe] Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta, ayaa maanta u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya.

U jeedka safarka musuuliyiintaan ayaa ah gudashada Xajka, xilli Boqortooyada Sacuudiga ay isku diyaarineyso soo dhaweynta ku dhowaad ​​850,000 qof oo Xujey ah oo ka imaanaya dalka dibadiisa si ay uga qeyb qaataan gudashada acmaasha Xajka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku jira fasax ku eg 15-ka bishaan oo u jeeddadiisu tahay Xajka iyo Ciidda Adxaa, xilli ay xusid mudan tahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xamse Cabdi, uusan wali soo magacaabin Golihiisa Wasiirrada si loo hor geeyo Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo toddobaadkii hore xilka wareejiyay kadib 21 bilood oo uu dalka Ra’iisul Waaaare ka ahaa, isagoo soo hoggaamiyay howshii doorashada iyo amniga dalka, ayaa ka mid ah waftiga maanta ka duulay Adan Cadde.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay dadkiisu sanadkan ka baaqdeen gudashada acmaasha Xajka, waxayna mas’uuliyada arintaas dusha ka saareen Dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyeen iney musuqday saamigii Somaliland.

Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkan u oggolaatay Soomaaliya in ay kasoo xajiyaan dad gaaraya  5,206 (shan kun laba boqol iyo lix Xaaji), waxaana dowladda Soomaaliya tiradaasi u kala qeybisay maamul goboleedyada dalka ka jira.

Maamulka Somaliland ayaa loo qoondeeyay 350 xujey in sannadkan degaanadooda xajka ka aadaan, saas oo ay tahay Somaliland ayaa tiradaasi diiday caddaalad darana ku tilmaantay sida dowladda federaalka u qeybisay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.