Rooble oo ku dhawaaqay in la guda galayo doorashada

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in Dowladdu ay go'aansatay in la guda-galo doorashada, kaddib kulanno uu la qaatay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo ku dhawaaqay in la guda galayo doorashada

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu ay ka shaqeyneysay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka jira doorashada, iyadoo 'baaqyo loo diray; dhinacyada ay quseyso. 

Rooble ayaa sheegay in Dowladda ay ugu danbeyntii go'aansatay in doorashada la guda-galo lagana bilaabo xarumaha dowlad gobolleedyada diyaarka u ah qabashada doorashada.

“Marar badan ayaa ku celcelinay in ay albaabadaydu u furan yihiin cid walba oo tabasho qabta, aanna diyaar u ahay had iyo jeer inaan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay.”

Hadalka Rooble ayaa imanaya xili wali Midowga Musharixiinta iyo Maamuladda Puntland iyo Jubbaland ay kasoo horjeedaan doorashada iyaga oo dalabnaya in la saxo qaladaadka jira ka hor inta aan doorashada la aadin,

Wixii kusoo kordha warkaan kala soco Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.