Rooble oo dhaqan galiyay mid ka mid ah qodobadii heshiiska doorshada

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo dhaqan galiyay mid ka mid ah qodobadii heshiiska doorshada

MUQDISHO, Soomaalya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah, kuwaas oo hubinaya xubnaha guddiga doorashada dadban ee cabashadu ka jirto.

War ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka”.

Sida ku cad qodobka 1-aad ee heshiiskii dhawaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dolwadda Fadaraalka, ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada dalka ka dhaceysa, RW Rooble ayaa laga sugayay macagaabidda guddigaan.

Gudgiga doorashooyinka dadban, ee DF, magacaawday ayaa la kulmay mucaaradad xooggan, waxaana la isku af-gartay in wax ka baddal lagu sameeyo, labada heerba iyadoo la waafajinayo cabashooyinka jira.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.