Rooble oo loogu baaqay inuu is beddel ku sameeyo amniga

Musharixiita u taagan tartanka xilka ugu sarreeya dalka, ayuu ku boorriyay in ay taxadaraan, isla-markaana si geesinnmo leh u wajahaan kooxda qalalaasha u saxiibka ah ee waqtigu ka dhamaaday, kuwaasoo uu ku tilmaamay “Argagaxiso siyaasadeed”.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo loogu baaqay inuu is beddel ku sameeyo amniga

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ugu baaqay inuu is beddel ku sameeyo hoggaanka hay’adaha amniga oo si toos ah siyaasadda ugu milnaa sanadihii la soo dhaafay.

Musharrax Madaxweyne, Warsame, wuxuu sheegay inuu labo todobaad ka hor ka digay, qalaalasaha iyo qalqalinta amni, oo ay wadaan Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin hoggaamiyaan, kuwaas oo isku milay, hay’adii amniga iyo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Xildhibaannada dhameystiray ku biiritaankooda Baarlamaanka 11-aad, ayuu ugu baaqay, in ay foojignaan dheeri ah muujiyaan, xilli ay soo baxayaan in qaar ka mid ah Xildhibaannada ka aragtida duwan Farmaajo, ay bartilmaameed yihiin.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka hay’adaha amniga, aadna loo ilaaliyo amniga Xildhinaannada iyo goobaha ay ka socoto dhammeystirka hawlaha doorashooyinka”. Ayuu yiri, Warsame.

Musharixiita u taagan tartanka xilka ugu sarreeya dalka, ayuu ku boorriyay in ay taxadaraan, isla-markaana si geesinnmo leh u wajahaan kooxda qalalaasha u saxiibka ah ee waqtigu ka dhamaaday, kuwaasoo uu ku tilmaamay “Argagaxiso siyaasadeed”.

Saaxiibbada tartanka xilka madaxtinimo ku jira waa in ay taxadaraan, waa in aysan na baqdin gelin, laakiin digtooni iyo go’aan geesinimo iyo nafhur leh ku wajahnaa argagexisada siyaasadeed iyo kuwa magaca diinta ku dhuumanaya”, ayuu yiri.

Ku dhawaad shantii sano ee la soo dhaafay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa muujinayay dareen ah, in hay’adihii amniga gacanta u galeen, kooxo la shaqeysta Al-Shabaab, isla-markaana uusan Farmaajo si nabad ah u banneyn doonin xaafiiska.

Shalay, wuxuu xusay, halkii ay NISA, ka ilaalin lahayd amniga dalka, in ay iyadu ka shaqeyneyso amni darro, isagoo soo jeediyay in xilka laga qaado taliyayaasha hadda ku magacaaban amniga ee amni darrada qeybta ka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.