Rooble oo loogu baaqay inuu raacdeeyo Wasiirka Batroolka

Wuxuu Coastline Petroleum, ku eedeeyay in ay boobayaan hantida qaranka, iyadoo adeegsaneysa shaqsiyaadka xilalka haya DF, wuxuuna xusay Maamul Goboleedyadu aysan waxba kala socon heshiiska ka dhacay London.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo loogu baaqay inuu raacdeeyo Wasiirka Batroolka

MUQDISHO, Soomaaliya – Injineer Cabdulqaadir Abiikar Xuseen, oo ku jira shaqsiyaadka Soomaaliya ugu aqoonta badan Petroleumka, kuna takhasusay cilmiga dhulka iyo deegaanka, kana soo shaqeeyay, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa RW Rooble, ugu baaqay inuu xilka ka qaado Cabdirashiid Maxamed Axmed, lana hor geeyo cadaaladda.

Cabdulqaadir Abiikar, wuxuu ahaa shaqsigii ugu horreeyay ee bannaanka keena xogta saxiixa 15-kii bishaan ka dhacay London, kaas oo Soma Oil and Gas, oo magaceeda wasaqeysan ku qarinaysa midka cusub ee Coastline Petroleum, loogu saiiyay heshiis wax soo saar wadaag 7 xirmood ah.

Wuxuu xusay in heshiisyada shidaalka u baahan yihiin dawlad xasillan, oo waqtigeeda bilow yahay, waqti iyo sharciyad haysata; haddana heshiis la ah, DXDF, wuxuuna Wasiirka Petroleumka, ku eedeeyay inuu burburiyay Wasaaradda sumcad ahaan, isagoo u adeegaya Farmaajo.

“Wasiirka Batroolka, Cabdirashiid, cadaaladda ha la hor geeyo, wuxuu mudan yahay oo dhagar tiisa u dhiganta waa in lagu xukumaa, Ra’iisul Wasaare, fadlan ka qabo Wasiirka Batroolka istiqaalada; ama ka saar Golaha Wasiirrada”. Ayuu yiri Injineer Cabdulqaadir.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dhowr sababood oo kale, oo xilligaan diidaya in la galo heshiisyo shidaal, sida in sharciyada taabanaya dhaqaalaha iyo dakhliga Soomaaliya ay ka heli karto aan wali la heyn iyo sidoo kale, in sharciga khusheeya dhulka khayraadka laga soo saarayo aan weli baarlamanka la hor geyn oo Baarlamanka 11aad lala sugayo.

“Arrimaha fiskaalka ah, sida royalty ga, corporate income tax ka, sharciga u xayiran baarlamaanka ayay ku jiraan. La’aanta arrimaha fiskaalka, ma suurto galayso in Soomaaliya ay gasho heshiis dakhli uga imaanaaya ayna war u haynin”, ayuu yiri.

Wuxuu Coastline Petroleum, ku eedeeyay in ay boobayaan hantida qaranka, iyadoo adeegsaneysa shaqsiyaadka xilalka haya DF, wuxuuna xusay Maamul Goboleedyadu aysan waxba kala socon heshiiska ka dhacay London.

“Waxaa kaloo aan weli la gayninin baarlamanka Sharciga Deegaanka Badbaadin Tiisa (Environmental protection law). Sharcigaas la’aan tiisa, hawl baaris iyo soo-saar shidaal lama sammayn karo”. Ayuu ku sii daray.

Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa xaqiijiyay in Farmaajo wax ka ogaa heshiiska uu u saxiixay Soma Oil and Gas, hayeeshee, Farmaajo ayaa dhankiisa ku inkiray Wasiirka kadib markii uu culeys kala kulmay baraha bulshadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.