Rooble oo Ciidanka Mareykanka macsalaameeyay [Sawirro]

Rooble oo booqashadisa ay ku wehliyeen Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Jen Odowaa Yuusuf Raage ayaa kula kulmay saldhigga taliyeyaasha Ciidanka Mareykanka oo uu macsalaameeyay maadaama ay bishan dalka ka bixi rabaan.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo Ciidanka Mareykanka macsalaameeyay [Sawirro]

BALLI-DOOGLE, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqasho ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan  Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16 iyo kuwa Mareykanka.

“Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan  Amniga Qaranka. Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan," ayuu yiri Rooble.

Rooble oo booqashadisa ay ku wehliyeen Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Jen Odowaa Yuusuf Raage ayaa kula kulmay saldhigga taliyeyaasha Ciidanka Mareykanka oo uu macsalaameeyay maadaama ay bishan dalka ka bixi rabaan.

Dowladda Mareykanka ayuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaruhu taageerada iyo tababarka joogta ah ee ay la garab taagnayd Ciidanka Danab, oo ah unuga ugu fir-fircoon Ciidanka dowladda, kuwaasoo fuliya howlgallada gaarka ee lagu ugaarsanayo Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey dhabar adeygga, geesinimada iyo sida ay uga go’an tahay Ciidamada la dagaalanka Kooxda Al-Shabaab, oo khatar ku ah amniga dalka iyo xasiloonida.

Saldhigga Balli-doogle oo qiyaastii 100-KM Koonfur galbeed uga beegan Muqdisho ayaa la weeraray Sep. 2019, waxaana lagu dhaawacay qarax Al-Shabaab ka fuliysay hal askari oo Mareykan ah.

Waxaa jirta cabsi laga qaba inay Al-Shabaab saldhigga la wareegto, maadaama Ciidanka Mareykanka ee hortaagnaa, kana baqi jireen ay isaga baxayaan bishan gudaheeda, kadib markii Trump uu bixiyay amar dalka looga saarayo.

Al-Shabaab ayaa looga adkaan waayay dagaalka ka socda dalka, oo ay kula jiraan Ciidamo Soomaali ah, kuwa AMISOM oo ka kooban 22,000 askari maadaama Kooxda qaraxyo ku qaado goobaha muhiimka ah, sida saldhigyadda militeri.

Ciidanka Danab ayaa soo wahaday hubanti la'aan, waxaana laga baqayaa inay burburaan, oo dib ugu laabtaan degaanadooda, maadaama ay wayn doonaan taageeridii Mareykanka oo tababar siinayay, sidoo kalena bixinayay mushaarkooda iyo agabka ay ku howlgalaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqey Mareykanka inuusan Ciidanka kala bixin Soomaaliya, oo ay sii wadaan taageeradda dowladdiisa dhanka la dagaalanka Al-Shabaab oo muhiim u yihiin.

Lama oga inuu Joe Biden bedeli doonin go'aanka Trump marka uu xafiiska la wareego 20-ka bishan, iyadoo ay macaquul tahay inuu soo celiyo Ciidamada, si ay usii wadaan howlgallada la dagaalanka argagaxisadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.