Xukuumadda Rooble oo diyaarinaysa xuska maalmaha xorriyadda

Ra'iisulwasaare Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya munaasabadda maalmaha xorriyadda 26 -ka Juun iyo 1 -da Luuliyo.

Warar Keydmedia Online
Xukuumadda Rooble oo diyaarinaysa xuska maalmaha xorriyadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona u diyaargaroowga maalmaha xoriyada Soomaaliya 26 Juun iyo 01 Luuliyo oo ay naga xigaan Afar bilood.

Xubnaha Guddiga oo ay ku jiraan wasiirro iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa kala ah:

  1. Durraan Axmd Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
  2. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga.
  3. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda.
  4. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka iyo Maareynta. Masiibooyinka.
  5. Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
  6. Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha.
  7. Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aha Duqa Muqdisho.
  8. Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada.

Dhammaantood waxay ka shaqeyn doonaan udiyaar garowga munaasabadaha maalmaha xorriyadda ee 26 -ka Juun iyo 1 -da Luuliyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.