Rooble oo taariikh dhaxal gal ah uga tagay siyaasadda Soomaaliya

Siyaasadda is jiid jiidka badan ee dalka, ayuu meel qiimo leh uga suntan yahay RW hore ee Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble, waana shakhsi lagu tilmaamo badbaadiyaha dhabta ah ee Soomaaliyada Maanta.

Warar Keydmedia Online
Rooble oo taariikh dhaxal gal ah uga tagay siyaasadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa si toos ah xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dalka ula wareegaya RW cusub Xamse Cabdi Barre, kaas oo maanta helay codka kalsoonida ee gollaha shacabka Soomaaliya.

Wuxuu xafiiska kala wareegayaa Ra'iisul wasaarihii ka horreeyey Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo taariikh dhaxal gal ah uga tagay siyaasadda Soomaaliya, ee ku caan baxday tanaasul yarida.

Rooble wuxuu dalka ka gudbiyey marxalad adag, isagoo diiday damacii muddo kordhinta ee kaligii taliyhii hoggaaminta dalka ku fashilmay Maxamed Farmaajo.

Wuxuu hoggaamiyey doorasho aanu isagu qeyb ka ahayn, ama aanu dan shakhsi ah ka lahayn, taas oo ku soo dhamaatay si nabad galyo ah, waana markii ugu horreysay ee masuul Soomaaliyeed uu doorkaas shariifka ah ka ciyaaro siyaasadda dalka.

Bulshada waxgaradka ah ayaa isku raacsan in Rooble uu kaalin weyn ka qaatay, siyaasadda deggan ee maanta jirta, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka baajiyey dhiig daata iyo barakac, waana astaanta lagu garto hoggaamiyaha dhabta ah.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.